In ka badan 70 qof oo daacuun ugu dhimatay dalka

0
266

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa maanta shaacisay in cudurka daacuunka ay ugu dhinteen 78 qof gudaha wadanka, tan iyo 8-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore.
Dadka cudurkan u dhintay ayaa ku kala noolaa 14 ismaamul oo ka mid ah 47 dowlad deegaan ee uu wadanka ka kooban yahay.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Susan Nakhumicha ayaa sheegtay in 4,186 ee uu haleelay xanuunkan la dhigay isbitaallada isla muddadaasi.
Waxaa ay carrabka ku dhufatay in meelaha khatarta sare leh sida xaafadaha isku raranta ah iyo xeryaha ay degan yihiin dadka wadanka gudihiisa ku barakacay ay yihiin meelaha ay saameynta ugu badan ka soo gaartay cudurka daacuunka.
Mrs.Susan Nakhumicha ayaa xustay in la xoojinaya nadaafadda deegaanka si loo xakameeyo faafitaanka cudurka.
Dhanka kale shacabka kenyaanka ayay ku boorrisay inay nadaafadda aad ugu dadaalaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here