Madaxweynaha Brazil oo codsi u diray maxkamadda sare ee dalkaasi

0
699

Madaxweynaha dalka Brazil Jair Bolsonaro ayaa lagu soo warramaya inuu ka codsaday maxkamadda sare ee dalkaas in ay ka laabato xayiraadaha lagula tacaalayo cudurka coronavirus ee lagu soo rogay dhowr gobol oo dalkaas ka mid ah.
Codsiga madaxweynaha ayaa imaanaya iyadoo oo kisaaska cudurka ay sare u kaceen.
Warbaahinta maxalliga ayaa baahisay in Bolsonaro uu ku eedeeyay barasaabyada iyo guddoomiyyaasha gobolada dalkaasi in ay u dhaqmayaan si kalitalisnimo ah islamarkaana ay shacabka Barazil ku qasbayan in ay guryaha joogaan.
Tirada dhimashada ee COVID-19 dalka Barazil ayaa sare u kacday toddobaadyadii la soo dhaafay.