Waxaa goor dhow la filayaa inuu magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ka billowdo shir loogu magac daray shirweynaha culimada Soomaaliyeed, kaas oo looga hadli doono ajandayaal ay ka mid yihiin sharciyad ka qaadista ururka Al-Shabaab, sida sixidda fahamka saxda ah ee diinta islaamka.
Sharciyad siinta dowladda, sida xukunka islaamka iyo dowladnimada casriga ah iyo dhisidda Golaha Sare ee Culimada.
Shirkan oo socon doona illaa khamiista ee toddobaadkan ayaa waxa ka qaybgalaya culimo ka kala timid dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu shirka furo.