Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Ukraine: Go'aan la'aanta reer galbeedka waxay dileysa dadkeena

Ukraine: Go’aan la’aanta reer galbeedka waxay dileysa dadkeena

Dowladda Ukraine ayaa sheegtay in go’aan la’aanta caalamiga ah ay horseedeysa in muwadiniin badan oo u dhashay wadankaasi ay naaftooda waayaan.
Hadalkan ka soo yeeray dowladda dalka Ukraine ayaa imaanaya iyadoo uu Jarmalka uu dib u dhigay go’aan ah in uu Ukraine siiyo taangiyada dagaalka oo uu isaga difaacayo duullaanka Ruushka.
Mykhailo Podolyak oo ah la taliyaha madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ku sheegay in go’aannada lagu taageeraya wadankiisa oo dib loo dhigo ay ka dhigan tahay in muwaadiniin badan oo dalkaasi u dhashay ay geeriyoodan.
Ilaa 50 waddan ayaa isku raacay Jimcihii aynu ka soo gudubnay in Ukraine la siiyo qalab milatari oo ku fadhiyo balaayiin doolar, oo ay ku jiraan baabuurta gaashaaman iyo rasaas si ay Kyiv uga caawiyaan dagaalka ka dhanka ah dullaanka Ruushka .
Jarmalka ayaa cadaadis xoog leh lagu saaray in uu Ukraine ku taageero taangiyada dagaalka.
Hasa ahaate wasiirka wasaaradda difaaca ee dalka Jarmalka Boris Pistorius ayaa sheegay in wali dowladdiisa ay arrinkan go’aan ka gaarin.
Waxaa uu intaasi ku daray in wali aan la shaacin xilliga go’aanka lagu taageerayo Ukraine la qaadanayo iyo waxa uu go’aanku noqon doono.
Shalay ayay ahayd markii, wasiirka arrimaha dibadda ee wadanka Latvia Edgars Rinkevics uu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray bayaan ay si wadajir ah u soo saareen wasiirrada arrimaha dibadda ee saddexda waddan ee loo yaqaano Baltic ee kala ah Estonia, Latvia iyo Lithuania oo dhammaan xubno ka ah NATO, ay Jarmalka ku boorriyeen in tangiyada dagaalka uu siiyo Ukraine.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments