Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Caro ka dhalatay wiil uu Muqdisho ku dilay askari ka tirsan ciidanka...

Caro ka dhalatay wiil uu Muqdisho ku dilay askari ka tirsan ciidanka dowladda

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in isu soo baxyo rabshado wata ay ka dhaceen isgoyska Howl-Wadaag ka dib markii nin dhallinyaro ah oo kaxeynayay mooto bajaaj lagu dilay isgoyskaasi.
Dad careysan oo ka xun dilka ninka dhallinyarada ah ayaa bannaanbax ka dhigay halkii uu dilka ka dhacay, iyagoo taayaro gubaya, mararka qaarkoodna shiidaya askarta isgoyska joogtay, waxaana mararka qaarkood la maqlayay rasaas ay ridayaan askarta.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada dowladda ay sidoo kale dileen labo qof oo ka mid ah dadka bannaanbaxa dhigayay.
Wiilka la dilay oo lagu magacaabi jiray Maxamad Xeyle iyo Askariga ayaa waxaa dhexmaray muran sida ay goobjoogayaal sheegeen, waxaana Maxamad Xeyle xilliga la dilayay uu mootada ku waday Hooyadiis iyo Walaashiis.
Qaar ka mid ah Ehelkiisa ayaa sheegay in Maxamad uu ka mid ahaa dhallinyarada ku nool Xaafadda Gubta ee degmada Dayniile uu dhawaan ka qalin jebiyay mid ka mid ah Jaamacadaha Muqdisho, balse markii uu Shaqo ka waayay magaalada Muqdisho ay ehelkiisa u iibiyeen Mooto Bajaaj.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments