Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka 18 qof oo ku dhintay weerarro ka dhacay Burkina Faso

18 qof oo ku dhintay weerarro ka dhacay Burkina Faso

Ilo wareedyo ka tirsan laamaha ammaanka ee dalka Burkina Faso ayaa sheegay in ugu yaraan 18 qof ay dhinteen ka dib labo weerar oo wadankaasi laga gaystay.
Weerarrada oo laga fuliyay waqooyiga iyo waqooyiga galbeed ee dalkaasi ayaa waxaa ku dhaawacmay 10 qof.
Waa falkii ugu dambeeyay ee lagu bartilmaameedsaday qayb ka mid ah shacabka Burkina Faso oo taageeraya ciidamada militariga oo muddo toddobo sano ah la dagaallamaya fallaagada.
Tan iyo sanadkii 2015-kii waxaa dalka Burkina Faso ka taagnaa rabshado ay wadaan kooxo fallaago ah oo taabacsan kooxaha Al-Qaacida iyo ISIS oo dilay tobanaan kun oo qof halka ay guriyahooda ka barakaceen ku dhawaad labo milyan oo dheeraad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments