Natiijada KCSE oo maanta lagu dhawaaqay

0
393

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka, Ezekiel Machogu ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay natiijadii ka soo baxday imtixaanaadka fasalka Afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE-da oo ay ardayda u fadhiisteen horraantii bishii hore.
Wasiirka oo natiijada ku soo bandhigay xarunta dhexe ee golaha imtixaannada qaran ee (KNEC) ee ismaamulka Nairobi ayaa sheegay in arday tiro ahaan dhan 1,146 ay keeneen buundada sare A (Plain), marka la barbardhigo sanadkii 2021-kii oo ay ahayd 1,138.
Hasa ahaate ma uunan shaacin magacyada ardaydii ugu horreysay tani oo ka duwan sida uu horay dhaqanku ahaa.
173,345 oo arday ayaa helay buundada lagu aada jaamacadda ee C+ iyo wixii ka sarreeya una dhiganta boqolkiiba 19.03 ardaydii imtixaanka u fadhiistay.
Wasiirka waxbarashada ayaa intaasi ku daray in arday dhan 522,588 ay keeneen darajada D+ iyo wixii ka sarreeya imtixaankii 2022-ka ee KCSE-da.
Waxaa uu xusay in imtixaankii 2022-ka ee KCSE-da ay arday dhan 30,822 la yimaadeen bundada ā€˜E’ marka la barbardhigo sanadkii 2021-kii oo ay tiradaasi ahayd 46,151.
17 maaddo ayay ardayda 2022-kii ay natiijo wanaagsan ka keeneen marka la barbardhhigo sanadkii 2021-kii oo ay ahayd 11.
Mr. Ezekiel ayaa xusay in ardayda 2022-ka u fadhiisatay KCSE-da ay ka natiijo wanaagsan yihiin kuwii sanadkii 2021-dii.
Natiijada maanta la shaaciya ayaa sidoo kale muujineysa in ragga ay ka natiijo sarreeyaan dumarka.
Ezekiel Machogu ayaa u sheegay ardaydii imtixaankan u fadhiisatay inay natiijadooda ku baari karaan nambarkii lagu diiwaangeliyay ardayga oo dhameystiran oo ay farriin gaaban ahaan ugu diraan nambarka 20076.
Waxaa sanadkii 2022-ka imtixaanka KCSE-da u fadhiistay arday dhan 884,263.
Natiijada maanta la shaaciyay ayaa ahayd midii sanad dugsiyeedkii 2022-kii oo ay ardayda sameeyeen bishii hore ee Diseembar.
Faahfaahinta natiijada KCSE ee dhanka waqooyi bari halkan ayaad ka la socon doontaan.