Waxaa la xaqiijiyay in 16 qof oo uu ku jiro wasiirkii wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Ukraine Denys Monastyrsky iyo ku xigeenkiisii koowaad Yevgeniy Yenin ay dhinteen, ka dib markii diyaarad nooca qumaatiga u kacda ee helikobter ay ku burburtay meel u dhow xarun carruurta lagu xannaaneeyo oo ku taalla meel ka baxsan caasimadda Kyiv.
Sidoo kale waxaa shilkan ku dhintay labo carruur ah oo ku sugnaa xaruntaasi xannaanada.
Madaxa booliiska ee Ukraine Igor Klymenko ayaa sheegay in dadka dhintay ay sidoo kale ku jiraan dhowr sarkaal oo ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaasi.
Waxaa uu xusay in guud ahaan 16 qof ilaa iyo hadda la xaqiijiyay inay dhinteen.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in 22 qof isbitaallada la dhigay oo ay ku jiraan 10 carruur ah, kuwaas oo qaba dhaawacyo kala duwan.
Saraakiisha ayaa sheegay in xilliga uu shilka diyaaradeed dhacayay carruur iyo shaqaale ay ku sugnaayeen xarunta xannaanada.
Kooxaha gurmadka degdega ah ayaa hataan ku howlan samatabixinta carruurta iyo shaqaalaha ku sugnaa xarunta ay diyaaradda ku burburtay.
Goobta uu shilka ka dhacay ee magaalada Brovary ayaa 20 kiilomitir waqooyi bari ka xigta caasimadda wadanka Ukraine ee Kyiv.
Ma jirto ilaa iyo hadda wax faahfaahin ah oo dheeraad oo ka soo baxay shilkaasi diyaaradeed.
Wasiirkii arrimaha gudaha Ukraine Denys Monastyrsky oo 42 sano jir ahaa ayaa xilkan loo magacaabay sanadkii 2021-kii.
Shilkan diyaaradeed ayaa ku soo aadaya iyadoo maalmo ka hor ay dhinteen 45 qof oo ay ku jiraan lix carruur ah, ka dib markii gantaal uu Ruushka soo riday uu ku dhacay dhismo ay deganaayeen dad shacab ah oo ku yaalla bariga magaalada Dnipro ee Ukraine.