Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, waxaa Maalintii labaad galay shirka dib u heshiisiinta ee u dhexeya maamulka Koonfur Galbeed iyo qaar ka tirsan siyaasiyiinta mucaaradka ee dowlad goboleedkaasi.
Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamad Laftagareen ayaa ka hadlay muhiimadda shirka iyo in aragtiyada la isku soo dhaweeyo, iyaga oo ku baaqay in wax walba wadahadal lagu dhameeyo.
Furitaanka shirka ee shalay oo dad badan lagu casuumay ayaa Maanta wixii ka dambeeya uu noqon doona mid sigaar ah ay u wada hadlaan dadka Reer Koonfur Galbeed si xal looga gaaro khilaafka u dhexeya siyaasiyiinta maamulkaasi.
Arrimaha laga wada hadlayo ayaa waxaa ka mid ah xal ka gaarista mad-madowga ku dhexjira siyaasiyiinta Koonfur Galbeed, bilaabida dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo arrimo kale.
Ammaanka Magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay, waxaana lagu arkayaa Ciidamada dowladda iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed oo Amniga xaqiijinaya.