Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya 2 burcad oo lagu dilay xaafadda Kayole ee Nairobi

2 burcad oo lagu dilay xaafadda Kayole ee Nairobi

Ciidamada booliiska ee magaalada Nairobi ayaa toogasho ku dilay labo qof oo looga shakiyay inay burcad ahaayeen kuwaas dhac ka gaystay aaga Kosovo ee xaafadda Kayole.
Labada la dilay ayaa qayb ka ahaa afar burcad oo saaka dhac u gaystay dad u socday goobahooda shaqo.
Sarkaalka taliska qaybta booliska ee OCPD-ga ee xaafadda Kayole Paul Wambugu, ayaa sheegay in labada qof ee la toogtay ay muddo dheer dhibatooyin iyo dhac ka gaysanayeen xaafadaasi.
Waxaa uu itaasi ku daray in burcadda la dilay horraan sidoo kale loo xiray dambiyo dhac la xiriira.
Taliyaha ayaa xusay in ciidamada saaka roondada ku jira ay heleen xog ku saabsan burcad dhac u gaysatay dad aroornimadii hore ee maanta u lugaynayay goobahooda shaqo.
Waxaa uu sheegay in markii lagu amray burcadda inay isa soo dhiibaan, ay rasaas isweydaarsadeen ciidamada.
Mr. Wambugu ayaa intaasi ku daray in ilaa hadda la helay afar qori ay dhac ku gaysanayeen burcadda xaafadda Kayole.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments