Maamulka jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC, ayaa gacanta ku haya nin Kenyaan ah oo looga shakisan yahay inuu ka tirsan yahay kooxda ADF oo iyadu falal amni darro ah ka gaysata wadankaasi.
Ninkan ayaa lala xiriirinaya inuu ka dambeeyay weerar lagu qaaday kaniisad ku taalla gobolka North Kivu ee DRC.
Saraakiisha wadanka Congo ayaa shaacin magaca ninka la xiray ee lala xiriirinayo weerarkan.
Hasa ahaatee ciidamada booliska ee qaabilsan la dagaalanka argagixisada ee (ATPU) ee dalkani Kenya ayaa maanta magaca ninkan ku sheegay Cabdirisaaq Mukhtaar Garaad oo 29 sano jir ah.
Booliiska Kenya ayaa intaasi ku daray in shakhsigan uu ka soo jeeda ismaamulka Wajeer.
Dhacdadan oo laga soo tabiyay magaalada Kasindi ee gobolka North Kivu, oo uu dhow sohdinta ay wadaagaan waddamada DRC iyo Uganda ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 17 qof halka 39 ruux ay dhaawacmeen.