Iiraan oo daldashay wasiir ku xigeenkii hore ee difaaca dalkaasi

0
262

Warbaahinta Iiraan ayaa ku warrantay in Alireza Akbari oo u dhashay dalkaasi haystana dhalashada Britain la daldalay ka dib markii lagu eedeyay inuu u basaasayay dowladda Ingiriiska.
Mr.Akbari, oo ahaa wasiir ku xigeenkii hore ee gaashaandhigga ee dowladda Iiraan ayaa la xiray sanadkii 2019-kii.
Wakaaladda wararka ee garsoorka Iiraan ee Mizan ayaa ku warrantay in Alireza Akbari la daldalay, inkastoo aysan sheegin wakhtiga iyo goobta uu ka dhacay xukunka dilka ah.
Ra’iisul wasaaraha Britain, Rishi Sunak ayaa xukunka dilka ah ee lagu fuliyay Akbar ku tilmaamay mid fuleynimo ah islamarkaana naxariis darro ah oo uu ka dambeeyo rajiimka Iiraan.
Dowladda Britain ayaa hore uga codsatay mas’uuliyiinta Iiraan inay siidaayaan Mr.Akbari, iyadoo xukunka dilka ah ku tilmaantay mid siyaasadeysan.
Iiraan ayaa toddobaadkan baahisay muuqaallo muujinayay wax u muuqday Akbari oo lagu qasbayo in dambiga uu qirto.
Mr.Akbari ayaa ku sheegay cod ay heshay warbaahinta in la jir dilay si uu qirto dambi uusan gelin.