Dowladda Shiinaya ayaa mar kale ku hanjabtay inay weerar ku qaadi doonto jasiiradda madax bannaan ee Taiwan.
Xukuumadda Beijing ayaa dhanka kale xustay in siyaasiyiinta shisheeye ee la macaamilaya Taiwan inay dab ku cayaarayaan.
Afhayeen maanta u hadlay xafiiska Shiinaha u qaabilsan arrimaha Taiwan ayaa sheegay in Beijing ay sanadkan ka go’an tahay ilaalinta gobonnimada iyo sharafta dhuleed ee dalkeeda sidoo kalena in la burburiyo qorshayaasha madax bannaanida Taiwan.
Ma Xiaoguang ayaa xusay in taageero kasta oo loo muujiya madax bannaanida jasiiradda Taiwan loo aqoonsanaya daandaansi cad.