TPLF oo billowday inay hubka wareejiso

0
277

Afhayeen u hadlay xoogagga gobolka waqooyi ee Tigray ee dalka Itoobiya ayaa sheegay inay guda galeen wareejinta hub culus oo ay adeegsanayeen.
Tani ayaa qayb ka ah heshiis nabadeed oo ay kooxda iyo dowladda Itoobiya gaareen labo bilood ka hor.
Wareejinta hubka ayaa laga soo tabiyay magaalada Agulae oo masaafo dhan 30 kiilomitir dhanka waqooyi bari kaga beegan magaala madaxda gobolka Tigray ee Mekelle waxaana goobjoog u ahaa kooxo dabagal ku sameynaya heshiiskii la saxiixday 2-dii bishii 11-aad ee sanadkii hore oo uu ka mid yahay urur goboleedka IGAD.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here