Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Darawal mooto bajaaj ah oo lagu dilay degmada Balcad

DHAGEYSO:Darawal mooto bajaaj ah oo lagu dilay degmada Balcad

Askari ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in Maanta meel u dhow degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ku dilay darawal Mooto Bajaaj ah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dilka ka dib uu askarigii goobta ka baxsaday.
Mid ka mid ah darawalada mooto Bajaajta ku Shaqeysta ee degmada Balcad oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Darawalka Mooto Bajaajla ah uu ka yimid Tuulada Carafaag oo u dhexeysa magaalada Muqdisho iyo degmada Balcad, balse Askari ku sugnaa Koontoroolka Garasdeele uu dilay.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in xilliga la dilayay Darwalka Bajaajlaha ah ay Mootada u saarnaayeen laba askari kuwaas oo aan wax tallaabo ah qaadin markii la dilay darawalkii waday.
Darawalka bajaajta ayaa intaasi ku daray in Ciidamada Maamulka degmada Balcad ay ku raadjoogaan askarigii dilka gaystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments