Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka 24 qof oo shacab ah oo lagu dilay DRC

24 qof oo shacab ah oo lagu dilay DRC

Maleeshiyaad looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda CODECO ayaa ugu yaraan 24 ruux oo rayid ah ku dilay bariga jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC.
Ilo wareedyo maxalli ah ayaa warbaahinta u sheegay in dhibaatadan laga gaystay gobolka Ituri.
Charite Banza oo ka mid ah mas’uuliyiinta ururrada bulshada ee aaggaasi ayaa sheegay in maleeshiyaadka ay sidoo kale gubeen guryo ku yaallay saddex tuulo .
Dhimashada ayaa horay lagu sheegay 16 qof balse tirada ayaa sii korortay ka dib markii la helay meydad dheeraad ah.
Hasa ahaate afhayeen u hadlay ciidamada qalabka sida ee Congo oo lagu magacaabo Jules Ngongo ayaa dhimashada ku sheegay afar qof oo shacab ah, hal askari iyo labo ka mid ah kooxda weerarka soo qaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments