Qaramada Midoobay oo u codeysay inuu furnaado xadka Turkiga iyo Syria

0
309

Golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay qaraar dhigaya in aan la xirin marin muhiim ah oo u dhexeya waddamada Turkiga iyo Syria.
Marinkan oo ku yaalla dhanka waqooyiga galbeed ee xadka labada waddan ayaa la doonaya in muddo 6 bilood oo dheeraad ah uu sii furnaado si gargaar baniaadannimo loo gaarsiiyo qaxootiga wadanka Syria.
Xoghayaha guud ee qaramada midoobay Antonio Guterres ayaa arrinkan soo dhaweeyay.
Waxaa uu sheegay in tallaabada uu qaaday golaha ammaanka ee qaramada midoobay ay fududeyn doonto in la caawiyo ilaa 4.1 milyan oo qof oo ku nool waqooyiga galbeed ee Syria.