21 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay xadka Kenya-Uganda

0
332

Waxaa lagu soo warramaya in 21 qof ay dhinteen ka dib markii uu shil galay bas ka soo ambabaxay magaalada Mbale ee ku taalla bariga Uganda oo ku soo wajahnaa magaala madaxda dalka ee Nairobi.
Shilka ayaa dhacay wax yar un ka dib markii baabuurka uu soo gudbay xadka ay wadagaan labada waddan ee dariska ah.
Dhibaatadan ayaa saameysay magaalada Lwakhakha.
Shilka iyo khasaaraha nafeed ee ka dhashay ayaa waxaa wakaaladda wararka ee AFP u xaqiijiyay afhayeenka booliiska gobolka Elgon, Rogers Taitika.
Waxaa uu sheegay in dadka shilka ku dhintay badankoodu inay kenyaan yihiin in kastoo 8 ka mid ah ay ka soo jeedeen Uganda.
Taitika ayaa intaasi ku daray inay dhaawacmeen 49 qof oo dheeraad ah.
Waxaa uu xusay in wadihii baska uu gaariga xakameyn waayay taasoo keentay in baabuurka uu waddada ka baxo ka dibna burburo.
Afhayeenka ayaa laga soo xigtay in baaritaannada horudhac ah ay muujinayaan in shilka loo aaneynaya baska oo si xowli ah loo kaxeynayay.
6-dii bishan Jannaayo ayay ahayd markii shil kale oo ka dhacay meel u dhow magaalada waqooyi ee Gulu ee dalka Uganda ay ku dhinteen 16 ruux.