Dadka u safraya Shiinaha oo aan la karantiili doonin

0
304

Dowladda Shiinaha ayaa meesha ka saartay xayiraad jirtay muddo saddex sano ah.
Dadka u safraya wadankaasi ayaan wixii hadda ka dambeeya la karantiili doonin.
Warbaahinta (CGTN) ee dalka Shiinaha ayaa ku warramaysa in rakaabkii ugu horreeyay ee aan karantiil la marin ay magaalooyinka Koonfureed ee Guangzhou iyo Shenzhen gaareen wax yar ka dib saqdii dhexe ee xalay.
387 qof oo ka soo safray waddamada Singapore iyo Canada ayaan sidoo kale laga baarin cudurka COVID-19.
Bishii hore ayay ahayd markii xukuumadda Beijing ay billowday inay meesha ka saarto xayiraadaha caabuqa corona.