Ugu yaraan 16 ruux ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen halka 21 kalena ay dhaawacmeen ka dib markii uu bas shil ku galay dalka Uganda.
Baska ayaa saaka xilli uu marayay xarunta ganacsiga ee Adebe oo ku taalla agagaarka waddada wayn ee xiriirisa magaalooyinka Kampala iyo Gulu waxaa uu ku dhacay mid ka mid ah baabuurta xamuulka oo halkaasi la dhigay.
Afhayeenka booliiska gobolka waqooyiga Kyoga Patrick Jimmy Okema ayaa xaqiijiyay shilka iyo khasaaraha nafeed ee ka dhashay.
Waxaa uu intaasi ku daray in baabuurka kale uu xamuul dejinayay xilligii uu shilku dhacayay.
Afhayeenka ayaa laga soo xigtay in 12 qof ay isla goobta ku dhinteen.
Afarta ruux ee kale ayaa ku nafwaayay isbitaalka Atapara oo loo geeyay daryeel caafimaad.
In kastoo aan weli la xaqiijin sababta rasmiga ee shilka keentay haddana baaritaannada horudhaca ah ayaa muujinaya in baabuurka xamuulka la dhigay meel aan habboonayn.