Taalibaan oo sheegtay inay dishay 8 ka mid ah dagaalyahannada ISIS

0
325

Maamulka Taalibaan ee dalka Afghanistan ayaa sheegay in Siddeed ka mid ah dagaalyahaannada kooxda isku tilmaanta khilaafada islaamiga ee ISIS lagu dilay weerarro kala duwan oo ka dhacay caasimadda wadankaasi ee Kabul.
Waxay intaasi ku dartay in sidoo kale gacanta lagu dhigay 7 ka mid ah xubnaha ISIS.
Afhayeenka TaalibaanZabihullah Mujahid ayaa maanta sheegay inay bartilmaameedsadeen xubnaha sar sare ee kooxda.
Waxaa uu sheegay in weerarrada sidoo kale laga fuliyay gobolka galbeed ee Nimroz.
Mujahid ayaa intaasi ku daray in dagaalyahaananda la dilay iyo kuwa la qabtay ay kaalin muhiim ah ka qaateen weerarkii bartamihii bishii Diseembar ee sanadkii hore lala eegtay maqaaxida Logan.
Axaddii ayay ahayd markii ISIS ay sheegatay mas’uuliyadda weerar bambo loo adeegsaday oo ka dhacay meel u dhow bar-kontorool oo ku taalla garoonka militariga ee magaalada Kabul.