Dowladda Faransiiska oo xaqiijisay codsi uga yimid Burkina Faso

0
470

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Faransiiska ayaa xaqiijisay in bishii hore dowladda Burkina Faso ay u soo dirtay warqad ay ku codsanaysa inuu wadankeeda ka baxo safiirka halkaasi ku matalo Faransiiska.
Haweeney afhayeen ah oo u hadashay wasaaradda ayaa arrinkan u xaqiijisay wakaaladda wararka ee Reuters in kastoo aynan faahfaahin dheeraad ah bixin.
Reuters ayaa ku warramaysa in dowladda Burkina Faso oo tallaabadan wax laga waydiiyay ay ka gaabsatay inay ka jawaabto.
Sidoo kale safaaradda Faransiiska ee magaalada Ouagadougou ayaan weli ka hadlin arrintan iyo halka uu ku sugan yahay safiirka ,Luc Hallade .
Arrintan ayaa u muuqata mid muujinaysa inuu sii xumaanayo xiriirka ka dhexeya dowladaha Burkina Faso iyo gumaystihii hore ee Faransiiska oo xiriir adag la leh dalal kale oo uu horay u gumaysan jiray oo ku yaalla Galbeedka qaaradda Afrika, islamarkaana ay ku sugan yihiin ciidamada gaarka ee Faransiiska.