Imaaraatka iyo Shiinaha oo ku baaqay in QM ay ka shirto socdaalkii wasiirka Israa’iil ee Al-Aqsa

0
317

Dowladda isutagga imaaraatka carabta iyo Shiinaha ayaa ku baaqay in golaha ammaanka ee qaramada midoobay uu yeesho kulan looga hadlaya socdaalkii uu dhawaan wasiirka arrimaha amniga ee Israa’iil Itamar Ben-Gvir uu ku tagay barxadda masjidka Al-Aqsa ee Quddus.
Tallaabadan ayaa waxaa si kulul u cambaareeyay dowladda Falastiin, boqortooyada Sacuudi Carabiya , hay’adda iskaashiga islaamka ee OIC, Masar, Jordan, Turkiga, Imaaraatka Carabta iyo dhinacyo kale.
Hoggaanka dalka Falastiin ayaa socdaalka wasiirka ee Al-Aqsa ku tilmaamay daandaansi aan horay loo arag.
Ururka Xamaas ayaa dhankiisa sheegay in Ben-Gvir uu ka tallaabsaday khadka cas.
Dhanka kale warbaahinta gudaha Israa’iil ayaa ku warramaysa in ilaa bisha labaad ee sanadkan dib loo dhigay socdaal lagu waday in ra’iisul wasaaraha maamulkaasi Benjamin Netanyahu uu toddobaadka dambe ku tago Imaaraatka.
Dibloomaasiyiin ayaa warbaahinta u sheegay in la filayo in golaha UNSC uu berri yeesho shir ku saabsan arrintan.