Dowladda Ruushka oo sheegtay in 63 askari lagu dilay weerar ka dhacay magaalada Makiivka

0
251

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in weerar lagu qaaday xarun ku taalla magaalada Makiivka oo ah aagga uu Ruushka haysta ee Donetsk lagu dilay 63 askari.
Dhankeeda wasaaradda difaaca ee Ukraine ayaa sheegtay in dhimashadu ay ku dhowdahay ilaa 400 oo askari taasi oo aad uga badan tirada ay xukumada Moscow sheegtay.
Waxaa sidoo kale diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka ay weerareen kaabayaasha caasimadda Ukraine ee Kyiv iyo nawaaxigeeda iyagoo waxyeello u gaystay qaybaha tamarta.
Waxaa uu weerarkaasi sababay koronto la’aan laga dareemay caasimadda wadanka Ukraine ee Kyiv sida ay saraakiishu sheegeen.
Ruushka ayaa u muuqda mid kordhiyay duqeymaha uu ka gaysanayo dalka Ukraine tan iyo billowgii sanadkan oo maraya maalinkii saddexaad.
Taliska militeriga gobolka bari ee Ukraine ayaa sheegay in nidaamkooda difaaca cirka ay burburiyeen sagaal diyaaradood oo ahaa nooca aan duuliyaha lahayn ee dowladda Iiraan ay ku sameysay gobollada Dnipropetrovsk iyo Zaporizhzhia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here