Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa beeniyay inuu jiro wax wada hadal ah oo dowladiisa kala dhexeya Kuuriyada Koonfureed kaasoo ku saabsan hubka nukliyeerka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in labada dowladood aynan si wadajir ah u fulin doonin howlo arrinkan ku saabsan.
Hadalka Biden ayaa u muuqdo mid ka duwan arrintii uu dhawaan sheegay dhigiisa Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk-yeol ee ahayd in xukuumadaha Washington iyo Seoul ay ka wada hadlayaan nukliyeerka.
Wareysi uu wargeys siiyay ayuu hoggaamiyaha Kuuriyada Koonfureed ku sheegay inay Maraykanka la kaashanayaan ka hor tagga khatarrada hubka nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi taasoo uu hadda Biden meesha ka saaray.




