Waxaa dalka Jarmalka ka dhaqan galay go’aan ay dowladda wadankaasi ku mamnuucday in la soo dejiyo shidaalka laga soo saaro gudaha Ruushka.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo Jarmalka uu ku dadaalaya inuu muujiyo sida uu uga soo horjeedo duulaanka militari ee ay xukummadda Moscow bishii 11-aad ay ka wado gudaha Ukraine.
5-tii bishii Diseembar ee sanadkii 2022-kii ayay ahayd markii xubnaha Midowga Yurub ay xayiraaddan ku heshiiyeen.