Maamulka hannaanka difaaca hawada ee dalka Ukraine ayaa sheegay inuu soo riday 45 ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka.
Militariga xukuumadda Kviy ayaa sheegtay in Ruushka uu xalay qaaday weerar uu u adeegsaday diyaaradahan balse la iska caabiyay.
Bayaanka militariga Ukraine waxaa qayb ka ah in diyaaradahan oo ah nooca dagaalka ee Shahed-136 ee lagu sameeyay dalka Iiraan in dhammaan la burburiyay.