Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:3 arday oo biyo ku quustay Busia

DHAGEYSO:3 arday oo biyo ku quustay Busia

Waxaa lagu soo warramayaa in doon sidday saddex ka mid ah ardayda jaamacadda Nairobi ee UON inay biyo ku quusatay deegaan baarlamaneedka Budalangi ee ismaamulka Busia.
Waxay ardayda ka mid ahaayeen koox harada Victoria u damaashaad tagay iyagoo doon adeegsanaya.
Waxaa arrintan xaqiijiyay taliyaha booliiska ee deegaanka Bunyala Isaiah Mose.
Waxaa uu sheegay in afar arday oo kale la soo badbaadiyay.
Mas’uuliyiinta ammaanka iyo ururrada samatabixinta ayaa warbaahinta u sheegay in saaka la soo saaray meydadka labo ka mid ah saddexdii arday ee biyaha ku quustay ka dib markii ay doon la degtay.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments