Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa abaalmarin guddoonsiiyay qaar ka mid ah shaqaalaha xafiiska oo ku muteystay shaqo wanaagga ay muujiyeen intii lagu guda jiray sanadkii hore ee 2022-ka.
Waxaa uu ka hadlay hufnaanta shaqo ee loo baahan yahay in laga helo shaqaalaha dowladda, isagoo sheegay in ay lagama maarmaan tahay in dib u qiimeyn lagu sameeyo shaqaalahaasi.
Rw Xamse ayaa sheegay in tababarrada shaqaalaha dowladda iyo dalacsiintoodaba la xoojin doona.