Alle ha u naxariistee waxaa xalay magaalada Nairobi ku geeriyooday Yaasiin Maxamad Takhtar oo ka mid ahaa halgameyaashii NFD.
Ustadh Cabdullahi Bundiid oo bare ka ah jaamacadda Kenyatta sidoo kalena taariikhyahaan ah ayaa tacsi u diray qoyska , ehellada iyo asxaabta marxuumka isagoo warbaahinta Star faahfaahin kooban ka siiyay taariikh noololeedka Yaasiin Maxamad Takhtar.