UN:Ku dhawaad 18,000 oo qof ayaa ku waxyeeloobay dagaalka Ukraine

0
299

Xafiiska xuquuqul aadanaha ee qaramada midoobay ayaa sheegay in duullaanka militari ee ay dowladda Ruushka ku qaadday Ukraine ay waxyeello ka soo gaartay 17,831 qof.
Tiradan ayaa la diiwaangeliyay 24-kii bishii labaad ee sanadkan ilaa 26-kii Diseembar.
Waxaa dhintay 6,884 qof oo shacab ah .
Dadkan ayaa isugu jiro 2,719 rag ah , haween gaaraya 1,832, 175 gabdhood , wiilasha waa 216 iyo 1,904 oo dad waawayn ah balse aan weli la caddeyn jinsigooda.
Dhaawaca ayay qaramada midoobay ku sheegtay 10,947 waxaana ugu badan gobollada Donetsk iyo Luhansk.
Gobolladan ayaa waxaa ku nafwaayay 4,052 qof oo shacab ah halka ay ku dhaawacmeen 5,643 kale.