Maraykanka oo Ukraine ugu deeqaya 1.8 bilyan oo doolar

0
383

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay Ukraine gaarsiin doonto gargaar qiimo ahaan dhan 1.8 bilyan oo doolar.
Maamulka madaxweyne Joe Biden ayaa laga soo xigtay in taageerada uu siinaya xukuumadda Kyiv ay ka mid tahay mid militari oo caawin doonto diyaaradaha dagaalka ee wadankaasi.
Waxaa qayb ka ah hannaanka la iskaga difaaco weerarrada dhanka hawada ee ugu casrisan qalabka Maraykanka ee loo yaqaano Patriot .
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ay dhici karto inuu safar ku tago magaalada Washington ee Maraykanka.