Bangiga Commercial Bank of Ethiopia oo ah midka ugu wayn dalkaasi ayaa shaaciyay inuu adeegyadiisa maaliyadeed dib uga billaabay qaar ka mid ah magaalooyinka gobolka waqooyi ee Tigray.
Shacabka halkaasi ku nool ayaa hadda helaya adeegyo ka xayirnaa in ka badan hal sano.
Tani ayaa ku soo beegmaysa ka dib markii bishii hore xoogagga TPLF iyo dowladda dhexe ee Itoobiya ay saaxiixdeen heshiis nabadeed oo lagu soo afjaraya colaadda gobolkaasi ragaadisay muddo labo sano ah.