Museveni oo meesha ka saaray xayiraadaha socdaalka ee cudurka Ebola

0
380

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa meesha ka saaray gebi ahaanba xayiraadihii dhaqdhaqaaqa ee ay dowladda wadankaasi ku xakameynaysay faafidda cudurka Ebola.
Bishii Sagaalaad ee sanadkan ayay ahayd markii cudurka Ebola wadankaasi laga xaqiijiyay.
Degmada bartamaha Uganda ee Mubende ayaa laga diiwaangeliyay 66 xaaladood iyo 29 dhimasho ah.
Gobolka Kassanda ee Uganda waxaa laga xaqiijiyay 49 kiis iyo 21 dhimasho ah.
Madaxweyne Museveni ayaa go’aanka uu meesha uga saaray xayiraadaha isku socodka u aaneeyay in hadda aan cudurka la isku gudbin, aynan jirin dad la macaamilay kuwa uu saameeyay oo dabagal lagu hayo , in aynan jirin dad qabo Ebola oo ku jiro goobaha gaarka ah ee karantiilka sidoo kalena uu hor u socod jiro marka la eego yareynta xaaladaha cudurka.