In ka badan Siddeed sarkaal oo booliis ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen qarax laga gaystay meel u dhow magaalada ku taalla bartamaha waqooyiga dalka Ciraaq ee Kirkuk.
Waxaa sidatan xaqiijiyay saraakiil booliis oo u warramay wakaallada wararka ee Reuters.
Ilo wareedyada ayaa sheegaya in ciidamada qaraxa ku dhintay ay la socdeen kolonyo baabuur ah.
Bambada ayaa ku qaraxday meel u dhow tuulada Safra oo ilaa 30 kiilomitir dhanka Koonfur Galbeed kaga beegan Kirkuk.
Waxay dhaawacyo halis ah soo gaareen labo askari oo dheeraad ah.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka hasa ahaate waxaa aaggaasi ku xooggan maleeshiyaadka kooxda isku tilmaanta khilaafada islaamiga ee ISIS.
Bishii 11-aad ee sanadkan ayay ahayd markii weerar kale oo aynan cidna sheegan uu ka dhow meel u dhow magaalada Kirkuk halkaasi oo lagu dilay afar ka mid ah ciidamada militariga Ciraaq.