2 ka mid ah saraakiisha nabad sugidda oo lagu dilay Mali

0
237

Weerar ka dhacay magaalada Timbuktu ee waqooyiga dalka Mali ayaa waxaa lagu dilay labo ka mid ah saraakiisha nabadsugidda ee Qaramada Midoobay oo dhalasho ahaan ka soo jeeda wadanka Nigeria.
Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dhankiisa sheegay in xubin ka tirsan ciidamada ammaanka ee Mali lagu dilay weerarka.
Weerarkan ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 4 qof oo ka mid ah saraakiisha nabadsugidda UN-ta ee dalka Mali.
Afhayeenka qaramada midoobay Stephane Dujarric ayaa sheegay in mid ka mid ah saraakiisha la dilay ay ahayd haweeney.
Xoghayaha guud ee jimciyadda qurumaha ka dhexeyso Antonio Guterres iyo golaha ammaanka ee Qaraamda Midoobay ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkan.
Golaha ammaanka ee ayaa carrabka ku adkeeyay in ku lug lahaanshaha qorsheynta, hagidda iyo fulinta weerarrada lagu bartilmaameedsanayo saraakiisha nabad-ilaalinta ee UN-ta ay noqon karto dembiyo dagaal.