Peru oo looga dhawaaqay xaalad degdeg ah

0
253

Dowladda dalka Peru ayaa ku dhawaaqday xaalad degdeg ah oo halkaasi ka dhaqan galaysa.
Tani ayaa ku soo beegmaysa ka dib toddobaadyo dibadbaxyo iyo qalalaase siyaasadeed ay ka taagnaayeen wadankaasi .
Mudaharaadyada ayaa ka dhashay in xilka laga qaaday ka dibna xabsiga la dhigay madaxweynihii Peru ,Pedro Castillo.
Xaaladda degdegga ee jiraysa 30 cisho waxaa ku dhawaaqay wasiirka gaashaandhigga ee Peru , Alberto Otarola.
Waxaa uu sheegay in tani ay ka dhigan tahay in la hakiyay adeegsiga xurriyadda dhaqdhaqaaqa iyo isku imaatinka.
Waxaa qayb ka noqon karo bandow maadaama la sameeyay burbur iyo rabshado lagu xiray waddooyinka.