Ukraine oo sheegtay inay soo riday 13 diyaaradood

0
236

Dowladda Ukraine ayaa sheegtay in hannaankeeda difaaca hawada uu soo riday 13 diyaaradood oo ah kuwa aan duuliyaha lahayn.
Qoraalka waxaa ku cad in la rumeysan yahay in diyaaradahan lagu soo sameeyay Iiraan.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ilaa saddex qarax arroornimadii hore ee maanta laga maqlay bartamah caasimadda Ukraine ee Kyiv.
Duullaanka militari ee uu Ruushka weli ku haya Ukraine ayaa soo billowday 24-kii bishii labaad ee sanadkan ilaa iyo haddana xal waara lagama gaarin.