Hay’adda wariyaasha aan xuduudda lahayn ee RSF ayaa sheegtay in sanadkan 2022-ka gudihiisa , daafaha caalamka lagu xiray wariyaal gaaraya 533.
Tiradan ayaa lagu sheegay middii ugu badnayd ee sanadla ah.
Sanadkii hore tiradan ayaa ahayd 488 sida ku cad warbixinta qiimeynta xurriyadda saxaafadda ee hay’adda RSF.
In ka badan kala bar tirada wariyaasha waxaa lagu xiray waddamada Shiinaha oo xabsi la dhigay (110), Myanmar (62), Iran (47), Vietnam (39) iyo Belarus (31).
Dalka Iiraan 47 suxufiyiin ah oo hadda xabsi ku jiro , 34 ka mid ah waxaa la qabtay tan iyo markii 16-kii bishii Sagalaad ee sanadkan ay wadankaasi ka billowdeen dibadbaxyo ay shacabka uga soo horjeedaan in Mahsa Amini oo 22 sano jir ahayd ay xabsi ku dhe geeriyootay.
Xabsiyada dalka Ruushka waxaa ku xiran 18 wariyaal ah oo 8 ka mid ah ay ka soo jeedaan Ukraine.
Hay’adda wariyaasha aan xuduudda lahayn ayaa sheegtay in xukuumadda Moscow laga mamnuucay warbaahinta madaxa bannaan.




