Waxaa qaraxyo saddex ah laga maqlay bartamaha caasimadda wadanka Ukraine ee Kyiv.
Duqa magaaladaasi ,Vitali Klitschko ayaa sheegay in la howlgeliyay adeegyada degdegga ah ee degmada Shevchenkivskyi .
Barta Telegram-ka ayuu ku sheegay in wixii faahfaahin oo dheeraad ah uu goor dhow soo gudbin doono.
Oleksiy Goncharenko oo xubin ka ah baarlamaanka Ukraine ayaa sheegay in abaare 6.30 subaxnimo ee saacadda dalkaasi uu maqlay ilaa saddex qarax.
Dadka ayaa loogu baaqay inaynan guriyahooda ka soo bixin ilaa iyo xaaladda taagan lagala tacaalaya.




