Taageerayaasha madaxweynaha xafiiska banneynaya ee dalka Brazil Jair Bolsonaro ayaa lagu soo warramayaa inay weerar ku qaadeen xarunta dhexe ee ciidanka booliiska wadankaasi.
Tani ayaa qayb ka ah rabshadaha Brazil saameeyay ka dib doorashadii uu ku guulaystay Luiz Inacio Lula da Silva.
Waxaa uu xalay magaalada Brasilia iskudhac ku dhex maray taageerayaasha Bolsonaro iyo saraakiisha ammaanka.
Booliiska ayaa shakhsiyaadkan ku kala eryay sunta dadka ka ilimeysiisa.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warramaysa in sidoo kale dab la qabadsiiyay basas iyo baabuur kale.




