Madaxweynaha dalka oo sheegay in dowladda ay dhiseyo 100 biyo xireen ah

0
291

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in dowladda dhexe ay dhisi doonto 100 biya xireen si kor loogu qaado sugnaanta cuntada.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in biyo xireennada ay wax ka qaban doonaan abaaraha ba’an ee saameeyay qaar ka mid ah ismaamullada wadanka.
Dr. Ruto ayaa dhanka kale sheegay in dowladda ay sare u qaadeyso wax soo saarka beeraleyda dalka, si kor loogu qaado hal abuurkooda iyagoo lagu taageeraya bacrimin qiimaheedu jaban yahay.
“Waxaan rabaa inaan u sheego Kenyaanka inaan wax ka qabaneyno qiimaha sare ee nolosha inaga oo adeegsanaya 3 waji oo kala ah, dhiirigelinta beeralayda islamarkaana ay helaan bacrimin jaban, soo dejinta noocyo kala duwan oo cunto ah iyo la shaqeynta ganacsiyada gaarka loo leeyahay.” ayuu yiri madaxweyne Ruto.
Madaxweynaha dalka ayaa ka hadlay bilicda caasimadda dalka ee Nairobi.
Waxaa uu sheegay inuu la shaqeyn doono dowaladda ismaamulka Nairobi si geedo caagaran loo abuuro.
Madaxweynaha ayaa carrabka ku dhuftay in isaga iyo guddoomiyaha dowlad deegaanka Nairobi Johnson Sakaja ay ku heshiiyeen in la shaqaaleysiiyo 11,000 oo dhallinyaro ah, si ay abuuraan geedo cagaaran oo qurxiyo caasimadda wadanka.