WHO oo ka shiraysa tallaalka AstraZeneca

0
610

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa maanta kulan la qaadanaysa mas’uuliyiinta wakaaladda Yurub u qaabilsan dhanka daawooyinka ee EMA.
Waxay diiradda saarayaan badqabka tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID-19 gaar ahaan nooca loo yaqaano AstraZeneca.
Tani ayaa timid ka dib markii wadamo badan ay joojiyeen adeegsiga tallaalkan oo ay sheegeen in uu wax u dhimaya jirka.
Wadamadan waxaa ka mid ah Sweden ,Latvia, Jarmalka, Talyaaniga , Faransiiska , Spain , Denmark , Norway iyo Netherlands.
In ka badan 17 milyan oo qof ayaa ilaa iyo hadda cudurka looga tallaalay wadamada xubnaha ka ah midowga Yurub.