Nin 4 sano ka hor laga afduubtay Niger oo la siidaayay

0
236

Waxaa ugu dambeyn xurriyadiisa dib u helay nin dhalasho ahaan ka soo jeedo dalka Jarmalka oo ka mid ah shaqaalaha gargaarka.
In la badan afar sano iyo bar ayuu la hayste ahaa.
Hay’ad ka shaqeysa arrimaha gargaarka oo laga leeyahay Jarmalka ayaa sheegtay in horay looga afduubtay wadanka Niger balse hadda la soo siidaayay.
Hasa ahaate hay’adda ayaan bayaankeeda ku faahfaahin halka lagu siidaayay Jorg Lange oo Injineer 63 sano jir ah.
Bishii Afaraad ee sanadkii 2018-kii ayay ahayd markii rag hubeysan ay ka kaxeysteen meel u dhow magaalada Inates.
Tan iyo sanadkii 2015-kii waxaa gobolka Sahel laga afduubtay ugu yaraan 25 ajaaniib ah iyo dad maxalli oo aan tiradoodu la shaacin.