M23 oo diyaar u ah inay ka baxdo bariga DRC

0
276

Fallaagada M23 ayaa sheegtay inay diyaar u tahay in ay ka baxdo dhulka ay qabsadeen ee bariga jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC.
Waxaa ay sheegeen in ay taageerayaan dadaallada nabad raadinta ee gobolka in kasta oo aan lagu matelin wadahadallada socdo ee xal loogu raadinayo xasiloonida bariga DRC.
Afhayeenka fallaagada M23 ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inay diyaar u yihiin wadahadal toos ah oo ay la yeelanayaan xukuumadda DRC si xal waara loogu helo sababaha keenay dagaalka daba dheeraaday ee bariga dalkaasi.
Waxaa uu intaasi ku daray in kooxdooda ay doonaysa in ay kulan la yeelato ciidamada ka socda gobolka ee la geeyay halkaasi, si ay uga wada hadlaan dhaqangelinta xabbad joojinta.
Dhanka kale wakaaladda wararka ee AFP iyo ilo maxalli ah ayaa ku warramaya in ay sii socdaan iska horimaadyo u dhexeya ciidamada dowladda ee DRC iyo dagaalyahanada M23 meel u dhow magaalada Goma, ee waqooyiga gobolka Kivu ee wadankaasi.
Xukuumadda Kinshasa ayaa dowladda Rwanda ku eedaysay in ay fallaagada M23 siiso taageero.
Hasa ahaatee dhigeeda Kigali ayaa dhankeeda ku eedeysay DRC in ay gacan saar la leedahay jabhaddii FDLR ee Hutu, kuwaas oo laga aasaasay DRC ka dib xasuuqii bulshada Tutsiga ee sanadkii 1994-tii ka dhacay Rwanda.