Madaxweynaha oo baaq u diray xubnaha EALA

0
362

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xubnaha Kenya ku matalaya golaha xeer dejinta ee bariga Afrika ee EALA ugu baaqay inay diiradda saaraan arrimaha ganacsiga ,maalgashiga iyo nabadgalyada gobolka.
Baaqan ayuu jeediyay xilli uu siyaasiyiintan kula kulmay xarunta madaxtooyada State House ee magaalada Nairobi.
Baarlamaanka bariga Afrika waxaa Kenya ku matalo 9 xubnood oo isugu jiro afar uu soo xushay isbeheysiga mucaaradka ee Azimio iyo shan uu soo magacaabay isbeheysiga talada dalka haya ee Kenya Kwanza.