Weerarro dhanka cirka ah oo ay dowladda Ruushka ka gaysatay magaalada Zaporizhzia ee dalka Ukraine ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan labo qof.
Saraakiisha Ukraine ayaa laga soo xigtay in sidoo kale ay dhaawacmeen saddex qof oo dheeraad ah oo uu ku jiro canug dhallan hal sano iyo 10 bilood.
Waxaa sidoo kale ay gantaallada burburiyeen guriyo halka uu go’ay adeegga korontada ee magaaladaasi.
Khasaaraha nafeed ee ka dhashay duqeymaha Ruushka waxaa warbaahinta u xaqiijiyay ku xigeenka madaxa madaxtooyada Ukraine Kyrylo Tymoshenko.




