Warbaahinta maxalliga ee Citizen ayaa ku warramaysa in xisbiyada Jubilee iyo KANU oo ka tirsan isbeheysiga Azimio La Umoja ay sheegeen inaynan qayb ka ahayn kulamo dadweyne oo uu Raila Odinga shaaciyay inay qaban doonaan.
Ilo wareedyada ayaa xusay inaysan ka qayb qaadan doonin dibadbaxyada in kastoo aan faahfaahin dheeraad ah laga hayn.
Kulamadan ayaa ka dhici doono fagaaraha Kamukunji Grounds ee ismaamulka Nairobi.
Justus Nyang’aya oo ka mid ah afarta sarkaal ee IEBC ee la eedeyay ayaa is casilay Jimcihii.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo qaar ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga Jubilee ay horay ugu hanjabeen inay ka baxayaan isbeheysiga Azimio ka dib markii magaca senatarka Isiolo Faadumo Duulo laga saaray liiska xubnaha guddiga adeegga baarlamaanka (PSC).




