Fallaagada M23 oo lagu eedeeyay in 50 qof oo rayid ah ku dileen bariga DRC

0
427

Ciidamada qalabka sida ee jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC, ayaa ku eedeeyay kooxda lagu tilmaamo fallagada ee M23 ama dhaqdhaqaaqa “March 23 Movement” iyo xulafadeeda inay 50 qof oo rayid ah ku dileen magaalada Kishishe ee bariga dalkaasi.
Bayaan ay ciidamada soo saareen ayay ku sheegeen in xasuuqaasi uu dhacay maalinkii Talaadada ee toddobaadkan.
Fallaagada M23 ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inay jabiyeen heshiis xabbad joojin oo shan cisho ah, kaas oo bariga dalkaasi ka dhaqan galay.
Janeeral Sylvain Ekenge oo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee DRC oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegay in ciidamadooda ay u hoggaansameen amarka heshiiska xabbad joojinta ah, hasa ahaate fallagada M23 ay soo weerareen farriisimaha dowladda.
Hoggaamiyaha M23 Bertrand Bisimwa ayaa dhanka kale u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in kooxdooda ay bayaan kaga soo jawaabi doonaan eedeymaha loo soo jeediyay.
Tani ayaa ku soo aadeyso iyadoo toddobaadkii hore ay hoggaamiyaasha qaaradda Afrika ku heshiiyeen in si degdeg ah ay xabbad joojin uga dhaqan gasho jamhuuriyadda DRC.
Tobanaan kun oo qof ayaa bishii hore ku barakacay bariga jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC ka dib dagaal dhexmaray labada dhinac.
Waxaa ay ladaba dhinac is hayeen tan iyo sanadkii 2012-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here