Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Guddiga ka falcelinta abaarta oo uruuriyay lacag dhan 542 milyan

Guddiga ka falcelinta abaarta oo uruuriyay lacag dhan 542 milyan

Guddiga ay dowladda dhexe u xil saartay ka falcelinta saameynta abaarta ayaa ilaa iyo hadda uruuriyay lacag gaareysa 542 milyan oo shilin.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa hay’adaha kala duwan ee arrinkan ka qayb qaatay uga mahadceliyay dadaalka ay geliyeen taageeridda qorshaha dowladda ee lagu caawinaya qoysaska u baahan gargaarka baniaadannimo.
Ruto ayaa xusay in tani aynan waddaniyad keliya muujinayn sidaas awgeedna ay ka mahadcelinayaan.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa sheegay in dowladda ay kheyraad dheeraad ah u qoondeyn doonto gargaarka cunno marka laga soo tago maalgelinta beeraha si loo kordhiyo soo saaridda cuntooyinka kala duwan.
William Ruto, madaxweynaha dalka ayaa sheegay in si loola tacaalo caqabadaha isbeddelka ku yimaada cimillada ay qasab tahay in la dejiyo qorshayaal faahfaahsan oo lagu dhaqangelin karo muddo dhow iyo muddo fog labaduba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments